Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne hore Farmaajo oo beri la dhaarinayo iyo Xildhibaanada golaha shacabka oo shiraya

Guddoonka golaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa ku wargaliyay xildhibaanada golaha shacabka in beri oo sabti ah soo xaadiraan kulanka golaha oo dhoor ajnado miiska saaran yahay.

Kulanka beri yeelanayaan xildhibaanada golaha shacabka ayaa lagu wadaa in uu ku xaadiro Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo , oo loo dhaarinayo in uu kamid noqdo xildhibaanada golaha shacabka.

Farmaajo oo dhameestay muddo xileedkiisa rasmiga ah ayaana beri marka la dhaariyo kaddib noqonaya xildhibaan sharafeed katirsan golaha shacabka, waxa uuna Farmaajo xildhibaan ahaanayaa inta ka dhiman noloshiisa.

Kulanka xildhibaanada golaha shacabka yeelanayaan ayaa sidoo kale looga hadlayaa doorashada guddoonka guddiyadda Golaha Shacabka, waxa ayna xildhibaamada oo loo qeybiyay dhoor guddi iska dhax dooranayaan guddoono dhaxdooda ah.

Xildhibaanada golaha shacabka ayaan wax kulan ah yeelan tan iyo markii ay ansixiyeen xukuumadda cusub uu soo dhisay Ra’isul Wasaare Xamse Barre, waxaana xildhibaanada looga fadhiyaa gudashada waajibaad badan oo horyaala.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Banaan baxyo xoogan oo goordhaw ka bilowday magaalada Muqdisho

Cabdi Cade

Dowladda oo soo bandhigtay Cabdirashiid Indhacadde oo isku soo dhiibay (Sawirro)

Cabdi Cade

Nin Afrikan ah oo si arxan darro ah loogu dilay Talyaaniga iyo Carro ka dhalatay (Sawirro)

Cabdi Cade