Allbanaadir.com
NEWS

Wararkii Ugu Dambeeyay weerarkii Hotelka Xayaat iyo Dad badan oo lasoo badbaadiyay

Rasaas goosgoos ah ayaa wali laga dhax maqlayaa gudaha hotelka Xayaat ee magaalada Muqdisho, oo caawa weerar ku bilowday qaraxyo ismiidaamin ah ku qaadeen dagaalyahano katirsan Al Shabaab.

Ciidamada dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ayaa wararku sheegayaan in ay galeen dhismaha Hotelka ayna halkaasi kasoo badbaadiyeen dad badan oo ku jiray.

Dadka ciidamada soo badbaadiyeen ayaa waxaa ku jira siyaasiyiin , odayaal dhaqmeed iyo dad kale oo ku sugnaa gudaha hotelka, waxaana dadkan lasoo badbaadiyay ka muuqday argagax badan.

Sida aan wararka ku heleyno ciidamada Haramcad ayaa isku dayaya in ay soo afjaraan weerarka Al Shabaab ku galeen dhismaha hotelka Xayaat , waxa ayna ciidamada ku sugan yihiin qeybo kamid ah dhismaha hotelka.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxyada iyo weerarka tooska ah ee caawa Al Shabaab ku qaadeen hotelka Xayaat, lamana oga wali inta ay la egyihiin khasaaraha ka dhashay weerarkan.

Waxii warar ee kusoo kordha kala soco wararkayaga dambe Insha Allah

Related posts

Bangiyada Soomaaliya oo lagu amray in ay xiraan dhamaan Accounada FOREX (Akhriso)

Cabdi Cade

Madaxweyne Erdogan oo ka shifay sir ku aadan Dilkii Wariye Jamal Khashoggi

Cabdi Cade

Dagaal u dhaxeeya Saraakiil Ciidan oo ka socda Muqdisho iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---