Dowlada federaalka oo ciidan Kumandoos ah u dirtay xadka Somalia & Kenya (Sawirro)

Dowladda Soomaaliya ayaa ciidamo hor leh ka dejisay degaano ka tirsan Gobolka Gedo, kuwaasoo la sheegay inay ka mid noqon doonaan Ciidamada ilaalinaya Amniga xaduudka Soomaaliya iyo Kenya.

Ciidamada oo ka tirsan Guutada 17aad ee Kumandooska Gorgor  ayaa  ka degay  Garoonka Dayuuradaha Degmada Dollow, waxaana la sheegay inay ku wajahan yihiin degaananda xadka degmooyinka Beled xaawo & Ceelwaaq, iyagoo sii mari doona dhinaca dhulka.

Qaar ka mid ah  Saraakiisha Ciidamada Gorgor, Taliyaha Ciidamada Nabad Sugida ee degmada Doolow Cabdulaahi Cumar Cilmi & xubno kale ayaa ciidamadan ku soo dhoweeyey garoonka dayuuradaha Doolow.

Daabulida Ciidamadan ayaa u muuqata iney jawaab u tahay hanjabaad iyo digniin dhowaan ka timid dowladda Kenya tasoo ay ku sheegtay in ciidamadeeda jooga xadka ay qaadi doonaan talaabo adag hadii mar kale shaqaaqo ay ka dhacdo xadka labada dal.

Sidoo kale daabulida ciidamadan ayaa sii hurin doonta khilaafka u dhexeeya DF iyo dowlad Goboleedka Jubbaland ee la xiriira arrimaha maamulka gobolka Gedo, iyadoo madaxda Jubbaland ay marar badan dalbadeen in ciidamada DF laga saaro gobolkaas, maamulkiisana iyaga lagu celiyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -