Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ciidamo ka yimid dal ku yaala galbeedka Afrika oo Muqdisho soo gaaray

Ciidamo cusub oo Boolis ah kuwaasoo qayb ka ah howgalka ATMIS ayaa maanta kasoo dagay garoonka Aadan cadde ee magaalada Muqdisho.

War-Saxaafadeed kasoo baxay ATMIS ayaa lagu sheegay in ciidankaan ay qayb ka yihiin dadaallada ku aaddan Nabadda iyo Xasilloonida.

Ciidankan ayaa ka yimid dalka galbeedka Afrika ku yaalla ee Nigeria, waxayna dhinaca tababarada iyo sugida amaanka ka caawin doonaan ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Soomaaliya ayaa waxaa ku sugan muddo ku dhow 15 sano ciidamo ka socda dalalka Afrika qaarkood oo ka badan 20 kun oo askari kuwaasoo ka qeyb qaata dagaalka DF kula jirto Al-Shabaab iyo sugida amaanka madaxda sare ee Dowlada.

Related posts

Wasiir Cawad oo ka qeyb galay Madasha Stockholm ee Nabadda & Horumarka (Sawirro)

Caydiid Ali

Qatar oo quus ka taagan qorshihii lagu sii deyn lahaa maxaabiista Xamaas heesato

Cabdi Cade

Xildhibaanadii sida weyn u taageersanaa Jawaari oo saakay Warkooda la waayay !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---