Allbanaadir.com
NEWS

Qatar oo quus ka taagan qorshihii lagu sii deyn lahaa maxaabiista Xamaas heesato

Dowladda Qatar oo waday dedaalo lagu doonayay in kooxda Xamaas sii daayaan dadka afduub ahaanta u heestaan, ayaa hadda quus ka taagan dedaaladii lagu doonayay in dadkaasi lagu sii daayo.

Qatar ayaa sheegtay in gulufka milatari ee dhinaca dhulka ah ciidamada Isreal ku qaadeen magaalada Gaza uga sii dartay xaaladii cakirneyd, waxa ayna gulufkaasi tilmaantay in caqabad cusub ku noqday dedaaladii socday ee la doonayay in maxaabiista lagu daayo.

Afhayeenka Wasaaradda Arimaha Dibadda Qadar Maajid Al-ansaari ayaa sheegay in gulufka cusub ee ciidamada dhulka Isreal ku qaadeen Marinka Gaza uga sii daray xaaladii adkeyd ee markii hore taagneyd.

Ciidamada Isreal ayaa guluf xooggan ku qaaday magaalada Gaza ee dhulka Falastiin, waxa ayna ciidamada doonayaan in ay xoog kusoo furtaan dadka shacabka ah ee xoogga ku heystaan kooxda Xamaas.

Ra’isul Wasaaraha Yahuuda Isreal Binjamin Netanyahu ayaa horey u sheegay in aysan is diideyn gulufka colaadeed ay qaadeen iyo sidoo kale dedaalada kale ee lagu doonayo in Xamaas looga soo daayo dadka ay qafaasheen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Hub Badan Iran ugu deeqday Xuutiyiinta oo si Qarsoodi ah Soomaaliya loo soo galiyay

Cabdi Cade

Guddoomiye Cumar Shiikh Shafaana oo sheegay inuu ka badbaaday isku day dil

Caydiid Ali

Wasiir Axmed Cawad oo u dhoofay Jabuuti iyo Xog ku aadan ujeedka Socdaalkiisa

Cabdi Cade
Taboola Ads ---