Allbanaadir.com
NEWS

Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi oo goordhaw geeriyooday

Ilaah ha u naxariistee waxaa goordhaw magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ku geeriyooday abwaankii weynaa Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi, oo muddooyinkii dambe ku xanuunsanaa magaaladaasi.

Ehelada abwaanka ayaa xaqiijiyay geerida goordhaw ku timid, waxaana abwaanka la sheegay in muddooyinkii lasoo dhaafay uu ahaa dhul yaal ayna lasoo darseen xanuuno aan daawo loo helin.

Abwaan Hadraawi waxaa geeridiisa si weyn uga naxay bulshada Soomaaliyeed meel kasta ay joogaan, waxaana baraha bulshada qabsaday tacsida iyo tiiraanyada geerida ku timid abwaan Hadraawi.

Madax kala duwan iyo siyaasiyiin Soomaaliyeed ayaa sidoo kale ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Abwaan Maxamed Warsame Hadraawi , oo ahaa abwaan sumcad badan ku dhax lahaa fanka Soomaaliyeed sidoo kale curiyay heeso iyo gabayo waxtar leh.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo u dhoofay dalka Eritrea iyo Ujeedka Safarkiisa oo la shaaciyay

Cabdi Cade

RW Khayre oo Khudbad ka jeediyey Shir muhiim ah oo ay soo qaban-qaabisay Q/Midoobay (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Ciidanka Dowladda iyo kuwa Deegaanka oo isku fidiyay degmada Ceeldheer (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---