Madaxweyne Xasan Sheekh oo u dhoofay dalka Eritrea iyo Ujeedka Safarkiisa oo la shaaciyay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqasho rasmi ah oo qaadanaysa muddo afar maalmood ah ugu ambabaxay dalka Ereteriya, ka dib markii uu martiqaad ka helay dhiggiisa dalkaas Mudane Isaias Afwerki.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Isaias Afwerki ayaa yeellan doona wada-hadallo dhinacyo badan taabanaya, iyaga oo si gaar ah u lafo-guri doona xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

Sida aan wararka ku helnay Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ujeedka safarkiisa rasmiga ah khuseeya arrinta ciidamada tababarka loogu qaaday dalka Eritrea oo horey qaarkood la sheegay in ay ugu dhinteen gudaha Eritrea iyo Itoobiya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intii uu xafiiska yimid bilaabay safarro dalka dibaddiisa ah kuwaasi oo looga dan leeyahay xoojinta iskaashiga ay Soomaaliya la leedahay caalamka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -