Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka Dowladda iyo kuwa Deegaanka oo isku fidiyay degmada Ceeldheer (Sawirro)

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo garab iyo gaashaan ka helaya ciidamada deegaanka ayaa si buuxda ula wareegay degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, halkaas oo bilooyinkii lasoo dhaafay ku sugnaayeen Al Shabaab.

Ciidamada huwanta ah ayaa galay degmada Ceeldheer shalay oo Arbaco aheyd, waxa ayna ciidamada halkaasi ka wadaan howlgalo ay ku xaqiijinayaan ammaanka degmada Ceeldheer oo saldhig muhiim ah u aheyd Al Shabaab.

Saraakiisha ciidanka hoggaamineysa ayaa sheegay in si buuxda gacantooda ugu jirto degmada Ceeldheer, waxa ayna xuseen in ay howlgalka ka dhanka ah Al Shabaab sii wadayaan inta ay kooxdaasi ka saarayaan goobaha ay ka joogaan bariga Galgaduud.

Degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud waxaa bilooyin kahor kasoo baxay ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka, waxaana degmadaasi dib gacantooda ugu gashay kooxda Al Shabaab oo horey sannado badan u heesatay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ilhan Omar oo mar kale Dood iyo caro ka abuurtay gudaha Mareykanka kadib markii ay ….

Cabdi Cade

(Sawirro) Koonfur Kuuriya 26 qof ayaa dhimatay, 10 kalena waa la la’yahay ka dib markii..

Caydiid Ali

Guddoomiye Jawaari oo ku faraq xirtay Xildhibaanada Mucaaradsan Xukuumada

Caydiid Ali
Taboola Ads ---