Max’uud Sayid Aadan “Kenya dhaqaalahoodii iyo dhiigoodii ayey nala garab taagan yihiin”

Madaxweyne kuxigeenka 1-aad ee Maamulka Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan oo la hadlayey Ururada Bulshada rayidka ah ee Jubaland ayaa ku dheeraaday xaalada Gobolka Gedo iyo faragalinta ay ku heyso Dowlada Dhaxe sida uu sheegay.

Waxaa uu sheegay in doorasho aysan ka dhaceynin gobolka Gedo inta laga saarayo ciidamada DF ay keentay gobolkaas, laguna soo celinayo gacanta maamulka Jubbaland.

Sidoo kale, Maxamuud Sayid Aadan ayaa dhaliilay talaabadii DF ku ceyrisay danjiraha Kenya, isagoo xusay in dowlada Kenya ay garab istaagtay Qaranimada Soomaaliya, isagoo Dowlada Dhaxe ku eedeeyey inay dooneyso iska hor keenka shacabka walaalaha ah ee labada Dal iyadoo ka faa’iideysaneysa doorashooyinka ku soo wajahan dalka

“Kenya dhaqaalahoodii iyo dhiigoodii ayey nala garab taagan yihiin in Somalia ay Dowladnimadeeda hanato, Argagaxisada dadka la tacaalaya ayey qayb ka yihiin,  Kenya ciidankeeda Soomaaliya ayuu kula difaacayaa xarunta laga maamulana waa Xalane Muqdisho ayeyna ku taala, horta Xalane kasoo bixi, Xuduuda annaga ayey inoo furan tahay 25,000 oo arday ayaa Mandheera wax ka barata oo Baladxaawa ka tagta’’ ayuu yiri Madaxweyne kuxigeenka 1-aad ee Maamulka Jubbaland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -