Shaqsi kamid ah Raga isbaarada ku heysta Hay’adda Isgaarsiinta Qaran oo shir kasoo dhax muuqday !!

Shaqsi lagu magacaabo Mustaf oo sheegta inuu yahay Maareeye ku xigeenka Heyadda Isgaarsiinta Qaranka ayaa si lama filaan ah uga soo dhex muuqday shir ay madaxda cusub ee Wasaaradda Isgaarsiintu ay la yeesheen shirkadaha Isgaarsiinta dalka.

Shaqsiga oo in muddo ah si afduub ah iyo qori caaraddii ku joogay Heyadda Isgaarsiinta ayaanan heysan wax sharciyad ah oo uu shirkaa uga qayb galo waayo, inta aannu ognahay kuma jiro dadka iska leh masuuliyadda heyadda ee uu wareejiyay wasiirkii hore ee Wasaaradda Mudane Cabdi Shiikh.

Maamulka cusub ee Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Boostada guud ahaan iyo gaar ahaan Wasiir Jaamac Khaliif, waxaanan marna laga filanaynin in iyagoo og ay ogolaadaan in shaqsi aanan sharciyad u haysan shaqada uu sheeganaayo loo ogolaado inuu ka qayb galo shir u gaar ah shaqaalaha wasaaraddaas iyo shirkadaha Isgaarsiinta.

Waxaa dhacay inta aan ognahay isdabamaryeen maamul oo aanan loo meel dayan muddadii uu Rooble dalka Raisulwasaare ka ahaa oo dad gaar ah loogu riixayay xafiisyo. Dadkaasi dhammaantood waxa ay isu ekeysiinayaan inay yihiin dad sifo sharci ah ku jooga shaqooyinka sida sharci darrada ah ay qoriga caaraddiisa ku fariisteen. Sidaa darteed waxaa laga rabaa dowladda Raisul Wasaare Hamze Cali Barre iyo Madaxweyne Xasan Shiikh inay di cad oo aanan leexleexad lahayn wax uga qabtaan boobka iyo ku tagrifalkii dalka ka dhacay waqtigaas.

Shaqsiga sawirkaan ka muuqda ee lagu soo bandhigay barta Tuwiitarka Wasiir u dawlaha Wasaaradda Mudane Axmed Diiriye, waa inaanan loo ogolaan shaqada uu sheeganayo sharcigana la horgeeyo.

Dowladda RW Xamse waxaa laga rabaa inaysan aqbalin waxyaabihii sida qaldan u dhacay ee maamulkii ka horreeyay iyo weliba boobka bareerka ah ee uu ku kacay shaqsigan iyo intii ku taageertay ee ku garabsiisay inuu qori caaraddii ku fariisto kursi aysan jirin cid u magacawday.

- Advertisement -