Ninkii dhaawacay Salman Rushdie oo sheegay inuu ixtiraam u hayo Ayatollah Khomeini

Ninka lagu eedeeyay inuu tooriyeeyay Salman Rushdie ayaa sheegay inuu ixtiraamayo Ayatollah Ruhollah Khomeini balse uusan sheegi doonin inuu ku dhiiraday fatwo uu soo saaray hogaamiyihii hore ee Iran, sida lagu sheegay wareysi uu siiyay New York Post oo Arbacadii la daabacay.

Rushdie, oo 75 jir ah, ayaa lagu waday inuu khudbad ku saabsan xorriyadda faneed ka jeediyo goobta galbeedka New York ku taal, markii ay booliisku sheegeen in Matar oo 24 jir ah uu masraxa ku soo booday oo uu toori ku weeraray qoraaga Hindiga ah Jimcihii toddobaadkii hore.

Rushdie waxa madaxiisa saarneyd abaal-marin tan iyo markii qoray buug lagu aflagaadeeyey diinta Islaamka oo la yiraahdo “Aayaadka Shaydaanka” kaasoo la daabacay 1988 kii ka dib markii  Khomeini uu soo saaray fatwo uu Muslimiinta ugu baaqayo inay dilaan.

“Waan ixtiraamayaa Ayatollah. Waxaan u maleynayaa inuu yahay qof weyn. Taasi waa inta aan ka sheegi doono taas,” ayuu yiri Matar isagoo ku hadlaya wareysi muuqaal ah oo ka socda xabsiga degmada Chautauqua.

“Rushdie Waa qof weeraray Islaamka, wuxuu weeraray caqiidadooda,” ayuu u sheegay Post, isagoo raaciyay inuu daawaday muuqaallada YouTube ee Rushdie.

Matar ayaa beeniyay inuu la xiriir la lahaa Ilaalada Kacaanka Iran.

Matar ayaa maxkamada horteeda ka diiday danbiga lagu soo oogay ee ahaa isku day dil iyo gacan ka hadal. Xeerbeegtida guud ee todobaadkan ayaa la filayaa inay soo gudbiyaan dacwado si rasmi ah u qeexaya eedeymaha uu wajahayo Matar.

 

- Advertisement -