Ciidamada Kumandoska ee Danab oo howlgalo ka wada degmo ka tirsan Sh/hoose

Dhaqdhaqaaqyo ay wadaan ciidamada kumandoska DF ayaa la soo sheegayaa inuu ka jiro degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeelaha hoose oo dhowr bilood ka hor laga saaray Al-Shabaab.
Ciidamada ayaa xalay baariyaano ka sameeyey Awdheegle oo habeen ka hor uu ka dhacay iska horimaad kooban oo dhexmaray ciidamada Dowladda iyo Al-Shabaab.

Saraakiil katirsan Ciidamada Dowladda ayaa sheegay in dhaqdhaqaaqyada ay wadaan ujeedadoodu tahay sidii loo sugi lahaa ammaanka Awdheegle iyo deegaanada kale ee hoostaga, sidoo kale Ciidamada waxay sameeyeen howlgalo miino baaris ah.

Awdheegle waxaa dhawaan booqday Taliyaha Ciidamada Dhulka Xoogga dalka waxaana saraakiisha halkaa ku sugan uu kala hadlay sidii ay gacanta ugu dhigi lahayaeen degaanada kale ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.

Degmada Awdheegle oo ah degmo caan ku ah wax soo saarka beeraha ayaa waxaa gacanta ku haya Ciidamada Danab oo Al-Shabaab ka qabsaday dabayaaqadii sanadkii tagay 2019-kii.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -