Qarax weyn oo ka dhacay Masjid iyo dad uu ku jiro imaamkii oo ku naf waayey

Qarax weyn ayaa ka dhacay masjid ku yaalla magaalada Kabul salaaddii maqrib ka dib sida ay sheegeen goobjoogayaal iyo booliiska magaalada, iyadoo dad badan laga cabsi qabo inay ku dhinteen ama ku dhaawacmeen.

Booliisku waxay sheegeen inay jiraan khasaare kala duwan balse ma aysan sheegin tirada.

Mid ka mid ah saraakiisha sirdoonka Taliban ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in ilaa 35 qof laga yaabo in ay ku dhaawacmeen ama la dilay, waxaana laga yaabaa in khasaaruhu intaa ka sii bato.

Aljazeera oo soo xiganeysa sarkaal aan la aqoonsan ayaa sheegay in dhimashadu ay gaareyso 20 qof.

Isbitaalka deg-degga ah ee Kabul ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay in ay qaabileen 27 bukaan oo ku dhaawacmay qaraxa, oo uu ku jiro cunug toddobo jir ah.

Goob joogayaal ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in qaraxa xooggan laga maqlay xaafad ku taalla waqooyiga magaalada Kabul, waxaana burburay daaqadaha dhismayaasha ku dhowaa. Gawaarida ambalaasta ayaa ku yaacay goobta.

“Qaraxu wuxuu ka dhacay masjid dhexdiisa, wuxuu leeyahay khasaare, laakiin tiradu weli ma cadda,” afhayeenka booliiska Kabul Khalid Zadran ayaa u sheegay Reuters.

Sarkaal ka tirsan sirdoonka Taliban oo magaciisa qariyay ayaa sheegay in qaraxa uu ka dhacay masjid ay ku tukanayeen dad ku cibaadeysanayay oo ku yaalla deegaanka Khair Khana ee magaalada Kabul.

Warku wuxuu intaa ku daray in dadka la dilay uu ka mid yahay Imaamka Masjidka, iyadoo khasaaraha uu intaasi ka badan karo.

Kooxaha sirdoonka iyo ciidanka amaanka ayaa ku sugnaa goobta uu qaraxu ka dhacay waxaana socda baaritaano.

Toddobaadkii hore wadaad caan ah oo taageersan Taliban ayaa lagu dilay qarax ismiidaamin ah, oo sidoo kale ka dhacay Kabul. Kooxda Daacish ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka.

- Advertisement -