Afhayeenka Aqalka Cad oo laga eryay laguna bahdilay maqaayad kutaala magaalada Washington

Sarah Sanders oo ah Afhayeenka Aqalka cad ee looga arimiyo dalka Mareykanka ayaa lagu bahdilay gudaha Maqaayad kutaala magaalada Washigton ,kadib markii maamulka Maqaayada haweeneydaasi ku amreen in ay banaanka uga baxdo Maqaayadooda.

Warbaahinta dalka Mareykanka ayaa qoraya in sababta afhayeenka Maqaayada looga eryay in ay tahay siyaasada Aqalka cad ee ka dhanka ah dadka muhaajiriinta gaar ahaan kala geynta waalidiinta iyo caruurtooda oo maalmihii lasoo dhaafay xiisad ka dhalisay Mareykanka.

Stephanie Wilkinson oo ka mid ah mulkiilayaasha maqaayadda ayaa sheegtay in ay aaminsanyihiin in Sarah Sanders ay u shaqayso maamul xuquuqda aadanaha ku tuntay, sidaas darteedna ay ku wargaliyeen in ay maqaayada isaga baxdo.

Haweeneydan Afhayeenka ka ah Aqalka cad ee Sarah Sanders ayaa go’aanka maqaayada looga eryay ku tilmaantay mid aan fiicneyn, waxaana dhacdada ay la kulantay haweeneydan noqotay mid si weyn looga hadal hayo Mareykanka.

Waxaa sidoo kale dhacdo tan ka duwan la kulantay xoghayaha aarrimaha gudaha ee Maraykanka Kirstien Nielsen kadib markii ay gashay Maqaayad ay leeyihiin dad kasoo jeeda Mexcio, Haweneydan ayaana lagu oriyay dhagaha looga qeyliyay intii ay maqaayada ku jirtay

Shacabka Mareykanka iyo siyaasiyiin badan ayaa si weyn uga soo horjeesay siyaasada Madaxweynaha Mareykanka ee ka dhan ah Muhaajiriinta , waxaana dowlada lagu dhaliilay kala geynta waalidiin iyo caruurtooda sharci daro ku galay Mareykanka.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -