DEG DEG: Ninkii dilay gabadhii ardayada aheyd oo gacanta lagu dhigay (Sawirro)

Booliska Soomaaliya ayaa gacanta ku soo dhigay ninkii fuliyey gabadhii ardayada aheyd ee Hibo Qaasim oo xalay lagu dilay deegaanka ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho.

Hibo waxay shalay u dabaal dagtay natiijada imtixaanka dugsiga sare oo ay ku baastay balse saacado kadib farxadeedii waxaa soo afjaray nin burcad ah oo ka dhacayey Mobile ay wadatay, meel ku dhow hoygeeda oo ku yaalla degaanka Ceelasha biyaha.

Booliska ayaa soo bandhigay Muuqaalka nin lagu magacaabo Jeylaani oo qirtay inuu isagu dilay gabadhaas, isla markaana uu doonayey inuu ka dhaco mobile ay wadatay.

“Waxay saacadu aheyd qiyaastii 5:00 galabnimo, gabadha waxaan iskaga hor nimid waddo ay mareysay Mobilka oo aan rabay inaan ka qaato ayey igula dhegtay ka dibna toorey ayaan labo jeer kaga dhuftay dhabarka, waxay ku dhacday dhulka anigana goobta waan isaga cararay mobilkiina kama qaadanin” ayuu yiri Jeylaani oo xog wareysi kooban laga qaaday.

Ciidamada amaanka ayaa sheegay in soo qabteen ninkan ka dib howlgal saacado qaatay oo ay ku baadigoobayeen, waxayna soo qabashadiisa ay ka caawiyeen dadka degaanka.

Dilka gabadhan ardayada ah ayaa 24kii saac ee la soo dhaafay qabsaday baraha bulshada, waxaana si weyn uga fal-celinayey dad farabadan oo aad uga xumaaday dhacdadan.

- Advertisement -