Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Kenya oo War cusub soo saaray

Guddoomiyaha guddiga madaxbannaan ee doorashooyinka Kenya (IEBC) ayaa ku eedeeyay 4-ta xubnood ee ka tirsan guddiga ee ka hor yimid natiijadii doorashada madaxtinimo inay inay jabiyeen dastuurka.

Waxaa uu difaacay tallaabadii uu qaaday ee ku dhawaaqistii in William Ruto uu ku guuleystay doorashada.

Wafula Chebukati ayaa ayaa sheegay dhacdooyin aan la ogeyn oo dhacay xilligii la qorsheynayay Isniintii ku dhawaaqista natiijada oo saacado badan qaadatay.

“Afarta xubin ee ka tirsan guddiga waxay iga dalbadeen ayna ku qasbeen inuu sameeyo doorasho ku celis ah, taasoo aheyd mid ka hor imaanaysay dastuurka iyo rabitaanka shacabaka” ayuu yiri Wafula Chebukati

Xubnaha guddiga ee ka hor yimid Wafula Chebukati ayaa su’aalo ka keenay sax ahaanshiyaha natiijada iyagoo sheegay in aan la siin fursad lagu xaqiijinayo natiijada.

Musharaxa Raila Odinga ayaa diiday inuu aqbalo natiijada, waxaana uu tilmaamay inuu qaadayo tallaabo dhanka sharciga ah, uuna dacwad u gudbinayo Maxkamada sare.

- Advertisement -