Pope Francis oo War ka soo saaray abaaraha ku dhuftay Somalia

Baaderiga ugu weyn Mad’habta Katoliga Pope Francis ayaa ku baaqay in Soomaaliya laga caawiyo sidii ay ula dagaallami lahayd abaarta halista ah oo ay Qaramada Midoobay sheegtay in ay barakicisay hal milyan oo qof.

Baadariga oo 85 jir ah ayaa soo jeediyay waxa uu ugu yeeray dhibaatada bini’aadantinimo ee halista ah ee ka jirta Soomaaliya iyo qaybo ka mid ah waddamada ku xeeran isag oo ka. hadlayay Vatican-ka.

“Dadka gobolkan oo markii horeba ku noolaa xaalad aad u liidata, hadda waxay ku jiraan xilli ay dad u dhinteen abaarta,” ayuu yiri Pope Francis.

“Waxaan rajeynayaa in si wadajir ah caalamku uga jawaabi karo xaaladda degdegga ah,nasiib darro, dagaalku wuxuu leexiyaa dareenka iyo kaalmadii, laakiin kuwani waa hadafyada u baahan ballanqaadka ugu badan – dagaalka ka dhanka ah gaajada, caafimaadka darrada, waxbarasha la’aanta.” ayuu raaciyay.

Soomaaliya iyo dalalka dariska la ah Geeska Afrika oo ay ka mid yihiin Itoobiya iyo Kenya ayaa waxaa ku habsaday abaartii ugu darneyd muddo ka badan 40 sano kadib afar xilli oo roobabkii ay di’i waayeen, taas oo sababtay inay xaalufaan dalagyadii iyo xoolihii.

 

- Advertisement -