Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Raisul Wasaare Rooble oo caawa Isbitaalka ku booqday dhaawaca Macalimu (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Somalia Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa Isbitaalka ku booqday Afhayeenka Xukuumadda Mudane Maxamed Ibraahim Macallimu oo ku dhaawacmay qarax maanta lala beegsaday.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa la sheekeystay Macallimu oo xaaladdiisu soo hagaageyso, waxa uuna Eebbe uga baryay caafimaad deg deg ah.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa warbixin ka dhageystay dhaqaatiirta daweyneysa afhayeenka Xukuumadda, iyagoo xusay in dhaawaca afhayeenku uu yahay mid aan halis aheyn ayna ku dedaali doonaan baxnaaninta xaaladiisa.

Related posts

Qasri caan ah oo laga xaday Fadhi Suuli oo ka sameesnaa Dahab (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Wasiir Fiqi iyo Janaraal Biixi oo isku day Dil ka bad baaday iyo Warar kale oo Xasaasi ah

Cabdi Cade

Haweeneydii ugu Da’da weyneyd oo Sannadkan Xajineysa iyo Sacuudiga oo soo dhaweeyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---