Allbanaadir.com
NEWS

Rooble oo Safar deg deg ah ku tagaya Sadex magaalo iyo Ujeedka ka dambeeya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo maanta magaalada Muqdisho ka furay shirkada Madasha Iskaashiga Soomaaliya iyo Caalamka ayaa shaaciyay in safar deg deg ah ugu ambaxayo gobolada dalka qaar.

Rooble ayaana sheegay in qorshaha ugu jirto in safar deg deg ah ku gaaro magaalooyinka Dhuusomareeb, Gaalkacyo iyo Garawe si madaxda maamuladaasi ugala hadlo arimaha doorashooyinka ee khilaafku hada ka taagan yahay.

Waxa uu sheegay Rooble in safarkiisa diirada ku saari doono sidii loo hirgalin lahaa doorasho xor iyo xalaal ah iyo sidoo madaxda maamulada dalka isugu imaan lahaayeen shir ka dhacaya Muqdisho oo looga hadlayo arimaha doorashada.

Doorashada la filayo in dalka ka dhacdo ayaa hada waxaa ka taagan khilaaf xoogan oo ka dhashay guddiga doorashada oo u badan xubno la sheegay in ay ku dhaw yihiin Madaxweyne Farmaajo iyo saraakiil katirsan NISA.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiirka Arimaha Dibadda Denmark oo Muqdisho yimid iyo Kheyre oo la kulmay (Daawo Sawiro)

Cabdi Cade

Booliiska Muqdisho oo maanta xiray Oday wax ka sheegay hay’adaha garsoorka dalka

Cabdi Cade

Agaasimaha cusub ee Habmaamuuska Xafiiska RW oo Munaasabad soo dhaweyn ah Muqdisho loogu sameeyay.

Cabdi Cade
Taboola Ads ---