Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay Khasaaraha ka dhashay Duqeyn Mareykanka geestay

War saxaafadeed caawa kasoo baxay Dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegaya iyaga oo kaashaneysa Taliska ciidamada Mareykanka ee AFRICOM in saddex weerar oo dhinaca cirka ah ku qaadeen dagaalyahanada Al-Shabaab.

Dowladda federaalka warkan caawa kasoo baxay ayaa lagu sheegay in duqeymaha Al Shabaab lala beegsaday in ay ka dhaceen  deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Warkan ayaa sidoo kale lagu sheegay in qiimeynta hordhaca ah ee kasoo baxay weerarka cirka ah  lagu dilay afar xubnood oo ka tirsanaa  dagaalyahanada Al-Shabaab, waxa ayna dowladad sheegtay in duqeyntan aysan khasaaro kasoo gaarin dad shacab ah.

”Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaa qaaday tallaabooyin waaweyn, si looga hortago waxyeelo soo gaarta rayidka. Dadaaladani waxay ka duwan yihiin weerarrada aan loo meel dayin ee cadowga Al-Shabaab oo si joogto ah u dhibaateeya rayidka ah aan waxba galabsan.” ayaa lagu yiri warka dowladda.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in iyaga oo kaashanaya Mareykanka ay ka go’antahay la dagaalanka kooxda Al-Shabaab, si looga hortago dhimashada dadka rayidka ah oo aan waxba galabsan sida qoraalka lagu sheegay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Taliyaha ciidanka XDS oo War ka soo saaray dilkii loo geystay Ex-Admiral Saciid Marino

Caydiid Ali

DEG DEG: Hanti dhawrka Guud ee Qaranka oo amar culus ku soo rogay heyadaha DF

Caydiid Ali

Guddiga Doorashada Galmudug oo Shaaciyay Shuruudaha laga rabo Musharaxiinta Golaha Shacabka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---