Allbanaadir.com
NEWS

Guddiga Doorashada Galmudug oo Shaaciyay Shuruudaha laga rabo Musharaxiinta Golaha Shacabka

Guddiga maamulka doorashada heer dowlad Goboleed ee Galmudug ayaa soo saaray shuruudaha laga doonayo musharaxiinta u tartameysa shanta kursi ee ugu horeeya ee doorashadeeda dhawaan ka dhaceyso magaalada Dhuusomareeb.

Shuruudaha guddiga Doorashada soo saareen ee lagu xiray musharaxiinta ayaa waxaa kamid ah in uu yahay Soomaali ayna da’diisa ka yareyn 25-sano, iyo in uu leeyahay ugu yaraan aqoon dugsi sare ama waaya aragnimo u dhiganta.

Guddiga Doorashada heer dowlad goboleed Galmudug ayaa sidoo kale sheegay in Musharaxiinta raga laga rab o 10-kun Dollar oo diiwaan gelin ah halka dumarka laga rabo 5-kun oo Dollar.

Halkan ka AKhriso Shuruudaha Guddiga Doorashada Galmudug

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Xasan oo kulan deg deg ah la qaatay laamaha Amniga (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne kuxigeen lagala wareegay 16 Milyan Dollar iyo Saacado qaali ah iyo Muran ka dhashay

Cabdi Cade

Masuuliyiin kormeeray qaar ka mid ah baraha Kontrol ee laga soo galo Muqdisho (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---