Doorashada Madaxweynaha Kenya oo idlaatay iyo tirinta codadka oo la bilaabay

Shacabka Kenya ayaa maanta safaf dheer u galay doorasho aad la isugu hayo, iyadoo laba siyaasi oo miisaan culus ay ku loolamayaan tartan madaxtinimo oo aad la isugu dhow yahay.

Madaxweyne ku-xigeenka William Ruto, oo 55 jir ah, ayaa la loolamaya Raila Odinga oo ah 77 jir muddo soo ahaa mucaarad, iminkana haysta taageerada ninka ay muddada xifaaltami jireen ee Kenyatta kadib isbeddel weyn oo ku yimid isbhayesiyada siyaasadeed ee dalkaas.

In ka badan 22 milyan oo qof, oo qiyaastii boqlkiiba 40 ka mid ah ay ka yar yihiin da’da 35, ayaa isu diiwaan geliyey inay codeeyaan, ayada oo dalkuna uu wajahayo sicir-barar xooggan iyo abaaro.

Wararka ka imaanaya deegaannada Kenya ayaa sheegay in tirada dadka usoo baxay doorashada ay yar yihiin marka loo barbardhigo doorashooyinkii hore.

Goobaha codbixinta ayaa la xiray galabta casar gaabadkii, waxaana hadda socota tirinta codadka doorashada.

Guddiga doorashada xubno ka dhow ayaa sheegaya in William Ruto uu hogaaminayo Caawa Doorashada madaxtinimo ee dalka Kenya, inkastoo codad farabadan ay dhiman yihiin.

Ruto ayaa ku hogaaminaya 51.89%. Halka Raila Odinga oo sidaas aan uga fogeen uu keensaday 47.92%

- Advertisement -