Sheekh Shaakir oo War Saxaafadeed soo saaray kana hadlay Go’aanka dowlada ee…

Madaxa Xukuumada Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa War Saxaafadeed uu soo saaray kusoo dhaweeyay go’aanka Wasaarada Arimaha Gudaha Soomaaliya ee ku shaacisay xiliga doorashada Hogaanka Galmudug.

Sheekh Shaakir ayaa ugu baaqay Shacabka Galmudug in ay ka qeyb qaataan doorashada ay ku baaqday Wasaarada Arimaha Gudaha Soomaaliya ee ka dhaceysa magaalada Dhuuso Mareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

Wasaarada arimaha gudaha Soomaaliya ayaa ku baaqday in la qabto doorashada Hogaanka iyo Baarlamaanka Galmudug 4-ta bisha july , waxa ayna Wasaarada sheegtay in doorashada lagu qabanayo magaalada Dhuuso Mareeb.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -