Dalal kuyaalla Afrika oo bilaabay tirakoobka Mid kamid ah Xayawaanada kunool

Qaar kamid ah Waddamada kuyaalla Qaarada Afrika ayaa bilaabay tirakoob ay ku sameenayaan maroodiga kunool , waxaana tirakoobkan noqonayaa midkii ugu horeeyay ee abid lagu sameeyo maroodiga kunool Afrika.

Shan dal oo kuyaalla Koonfurta Qaarada Afrika ayaana sameenaya tirakoobkan lagu ogaanayo maroodiga kunool, waxaana dalalkan la rumeesan yahay in ay kunool yihiin maroodiga ugu badan ee Qaaradda Afrika.

Tirakoobkan lagu sameenayo maroodiga ayaana loo adeegsanayaa diyaarado yar yar oo dulhaadi doona goobaha ay maroodiyaasha kunool yihiin, waxaana dalalka tirakoobka ku sameenaya maroodiyaasha kala yihiin Angola, Botswana, Namibia, Zambia iyo Zimbabwe.

Aagga KAZA ee kulmiya dalalkan waxaa lagu qiyaasaa inay ku nool yihiin illaa 220,000 oo maroodi ah, hase ahaatee tiro sugan lagama hayo, waana sababta ay u xiisaynayaan dalalkani inay ogaadaan tirade rasmiga ah.

Dalka Botoswana ee kuyaalla Koonfurta Qaarada Afrika ayaa noqday dalka ugu badan caalamka ee kunool yihiin maroodiga, waxaana dalkaasi la qiyaasaa in ay kunool yihiin in ka badan 130,000 oo maroodi ah .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -