Jaamacadda Muqdisho oo heshiis iskaashi la saxiixatay Jaamacadda Qatar (Sawirro)

Jaamacadda Muqdisho ayaa heshiis iskaashi la saxiixatay Jaamacadda Qatar si sare loogu qaado iskaashiga iyo wada shaqeynta labada dhinac.

Ujeedada heshiiska ayaa ah in la xoojiyo iskaashiga cilmi-baarista, isdhaafsiga khibradaha iyo dhammaan dhinacyada cilmiga oo labada dhinac ay daneynayaan.

Heshiiskan oo ka dhacay xarunta Jaamacadda Qatar ee magaalada Dooxa ayaa waxaa dhinaca jaamacadda Muqdisho u saxiixay guddoomiyaha golaha sare Dr. Cabdiraxmaan Macalin Cabdullahi (Badiyow) halka dhinaca Jaamacadda Qatar uu u saxiixay guddoomiayaha Jamaacadda Dr, Hassan Al-daraham. Waxaa sidoo kale heshiiska waxaa goobjoog ka ahaa masuuliin kale oo uu ka mid yahay guddoomiyhii hore ee jaamacadda Muqdisho ahna xubin ka tirsan golaha sare ee jaamacadda Muqdisho Dr. Cali sheekh Axmed Abuubakar.

Sida ay qortay wakaalada wararka dalka qatar waxaa labada dinac iska kaashan doonaan cilmibaarista, isdhaafsiga khubarada, ardayda iyo in si wadajir ah in labada jaamacadood u qabtaan shirar, doodo cilmiyeed iyo tababaro.

Jaamacadda Muqdisho oo ah jamacaddii ugu horeysay oo la dhisay burburkii kadib waxa ay ka mid tahay jaamacadaha dhifka ah ee kudaala tayada waxbarashada, waxa ayna heshiisyo iskaashi la leedahay jaamacado caalami ah iyo hey’ado waaweyn oo ka shaqeeya waxbarashada iyo cilmi baarista.

https://mu.edu.so/mogadishu-university-signs-an-mou-with-qatar-university/

Mogadishu University signs an MOU with Qatar University

Mogadishu University has signed a memorandum of understanding (MOU) with Qatar University to enhance partnership and cooperation between the two sides.

This agreement aims at strengthening the horizons of scientific cooperation in the service of the mission and common goals of both institutions in order to conduct research, exchange of experts and all areas of common interest.

The memorandum of understanding was signed at Qatar University headquarters in Doha, in the presence of the Chairman of the Board of Trustees of Mogadishu University, Dr. Abdulrahman Abdullahi, the former President of MU, Dr. Ali Sheikh Ahmed, and a member of the Board of Trustees and President of Qatar University, Dr. Hassan Al-Daraham. The cooperation between the two universities will be based in exchanging experiences, research studies, holding joint conferences and symposiums.

Dr. Abdulrahman expressed his happiness in signing the memorandum with Qatar University, which comes within the framework of fruitful cooperation between Mogadishu University and international institutions working in the field of research and higher education, indicating that Mogadishu University seeks, through these memorandums, to strengthen aspects of scientific and technical cooperation in the field of research and knowledge production.

https://mu.edu.so/mogadishu-university-signs-an-mou-with-qatar-university/

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -