Fariisimo ay lahaayeen xoogag taabacsan Al-Shabaab oo lagu burburiyey howlgal

Wasiirka Amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Galan ayaa sheegay iney ciidamada amaanka ay howlgal ka sameeyeen dhulka Buuraleyda ah ee Calmadow ee hareeraha ka xiga magaalada Boosaaso

Howlgalkan ayuu wasiirku sheegay inuu yimid kadib markii Al-Shabaab & Daacish ay fariisimo ka sameysteen Buuraleyda Calmadow, iyagoo ka faa’iideysanaya Cimilada dhulkaas oo aan si fudud lagu geli Karin.

Gallan ayaa sheegay in ciidamo gaar ay sameeyeen howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, uu xusay in badankood laga fuliyay dhulka Buuraleyda ah ee u dhow Magaalada Boosaaso, sida  Sugul, Ceel-gobaad, Dhashaabo, Majiyahan, Maraje, Ceel-dibir iyo degaano kale.

Wasiirka Amniga Puntland Cabdisamada Maxamed Galan waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in howlgalladaas ay ahaayeen kuwo lagu burburiyay Xarumihii ay ku sugnaayeen Al-Shabaab , sidoo kale lagula wareegay Saanad Ciidan iyo Agab kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -