Shirkad Diyaaradeed oo Madaxdeeda ku amartay in Boorsooyinka Rakaabka qaadaan !

Shirkadda diyaaradaha Qantas ee laga leeyahay dalka Australia ayaa wajaheysa shaqaalo yari , waxa ayna taasi sababtay in shaqooyinka shirkadaasi si wadajir ah u qabtaan shaqaalaha sare iyo kuwa hoose.

Shaqaalaha shirkadda ee ka shaqeeya garoomada diyaaradaha waa weyn ee dalka Austarlia gaar ahaan garoomada Sydney iyo Melbourne ayaa hoos u dhacay, waxaana shirkada soo saartay amar madaxda qaar uga shaqeenayaan garoomada.

Shirkadda ayaana qaar kamid ah shaqaalaha sar sare iyo madaxda ku amartay in ay qabtaan shaqooyinka hoose si dajinta boorsooyinka rakaabka iyo saaristooda, waxa ay sidoo kale madaxda qaar kaxeenayaan gaadiidka boorsooyinka lagu qaado.

Madaxa hawlaha Qantas, Colin Hughes ayaa sheegay in shirkadda wajaheyso shaqaalo yari ka dhalatay saameynta cudurka Covid-19, waxa uuna xusay in 200-oo kamid ah shaqaalaha sar sare in loo wareejinayo qabashada shaqooyinka hoose.

“Kiisaska cudurka Covid ee bulshada dhexdeeda ah iyo caqabadaha ka taagan helitaanka shaqaalaha ayaa si weyn u sameeyay hawlaha shirkadeenna,” ayuu yiri madaxa hawlaha Qantas, Colin Hughes

Maamulayaasha iyo shaqaalaha sar sare ee shirkadda Qantas ayaa lagu amray in maalmaha qaar qabtaan shaqooyinka hoose ee shirkadda sida qaadista boorsooyinka rakaabka iyo shaqooyinka kale ee darajadooda hooseeso.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -