Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

RW Khayre & Wafdi uu horkacayo oo caawa gaaray Dhuusamareeb (Daawo Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Kharye ayaa gaaray caawa maqribnimadii magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad gobaleedka Galmudug.

Wasiirro ka tirsan xukuumadda oo ay kamid yihiin arrimaha gudaha iyo amniga gudaha, xildhibaanno labada gole ka tirsan, madaxa fulinta Galmudug, saraakiil ciidamada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa Ra’iisul Wasaaraha kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo socdaalkiisa dhuusamareeb uu qayb ka yahay qorshaha dhamaystirka dadaallada horumarinta Galmudug, ayaa furaya shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug oo reer Galmudug ay uga tashanayaan aayahooda iyo dhismaha dowlad gobaleed loo dhanyahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowladda Eretria oo ku hanjabtay in xiriirka u jareyso Soomaaliya haddii ay …

Cabdi Cade

Ra’iisul Wasaaraha Somalia oo la dardaamay Guddiga doorashada heer federaal (Sawirro)

Caydiid Ali

Dhalinyaro lagu eedeeyey iney kufsi geysteen oo la soo bandhigay (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---