Dad isku qoys ah oo ku dhintay Madaafiicdii saaka lagu weeraray xerada Xalane

Waxaa soo baxaya faahfaahino ku saabsan khasaare nafeed oo ka dhashay tiro hoobiyeyaal ah oo saaka lagu weeraray xarunta taliska ciidamada AMISOM ee Xalane iyo garoonka dayuuradaha Muqdisho.

Qaar ka mid ah madaafiicda hoobiyeyaasha ah ayaa la sheegay iney ku dhaceen xaafad ka tirsan degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, kuwaasoo la sheegay inay geysteen khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh.

Madaafiicda qaarkood ayaa ku habsaday guri ay deganaayeen dad Shacab ah oo ku yaalla meel u dhow Kontrolka Ciidanka dowladda ee Xalane, waxaana la xaqiijiyey iney ku dhinteen afar qof oo hal qoys ka soo wada jeeday halka qaar kale ay ku dhaawacmeen.

Sidoo kale xero Geella lagu xareeyo oo ku taalla Xaafada Tarabuush ee degmada Wadajir ayaa waxaa ku habsaday madaafiic kale, waxaana ku geeriyootay Islaan da’aheyd oo magaceeda lagu sheegay Nuuro Maxamed Cosobow.

Xerada ay ku dhimatay haweeneydan da’da ah ayaa sidoo kale waxaa la soo sheegayaa iney ku dhamaadeen Geel fara badan oo qaarkood caano laga lisaayay xilliga uu hoobiyaha ku soo dhacayay sida dad goob joogayaal ah ay warbaahinta u xaqiijiyeen.

Dadweyne farabadan ayaa saaka duqeynta ka dib gaaray xaafada Tarabuush ee degmada Wadajir kuwaasoo isugu jiray ehelada dadka ku geeriyooday hoobiyeyaasha iyo shacab kale, ciidamo ka tirsan dowlada iyo masuuliyiin ka tirsan maamulka degmada Wadajir ayaa sidoo kale gaaray goobtaas.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkaasi hoobiyeyaasha ah, iyaga oo sheegay inay la beegsadeen Xerada Ciidamada AMISOM Xalane oo ku taalla nawaaxiga garoonka dayuuradaha Aden cadde.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -