Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Qarax ka dhacay Magaalada Jowhar iyo faahfaahino ka soo baxaya

Qarax ayaa la soo sheegayaa inuu goor dhow ka dhacay magaalada Jowhar ee gobolka Sh/dhexe kaasoo si weyn looga maqlay qeybaha magaaladaas

Sida  warar hordhac ah sheegayaan qaraxa ayaa ahaa mid lagu xiray Gaari NOAH ah oo ku sugnaa halka loo yaqaano todobada Geed oo kasoo horjeeda Hotelka Nuur Doob ee dhawaan qaraxa ismiidaaminta ah lagu weeraray.

Goob joogayaal ayaa sheegaya qaraxa uu dhacay xilli Ciidamada Booliska gaariga baaritaan ku hayeen.

Khasaaro nafeed ayaa la soo sheegayaa inuu ka dhashay qaraxa inkastoo aan tirakoob sax ah laga heynin, waxaana Ciidamada Ammaanku ay xireen dhammaan waddooyinka soo gala goobta uu qaraxa ka dhacay.

LA SOCO WIXII KA SOO KORDHA..

 

Related posts

Cudur la garan waayey oo dad ka badan boqol qof ku laayey dal ka tirsan qaarada Afrika

Caydiid Ali

Duqa Muqdisho oo ka xumaaday sida maanta loola dhaqmay Ciyaartoyda Qaranka (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Dowladaha Somalia iyo Turkiga oo heshiisyo Muhiim ah ku kala saxiixday Magaalada Ankara (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---