Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Cudur la garan waayey oo dad ka badan boqol qof ku laayey dal ka tirsan qaarada Afrika

Cudur aan la aqoon ayaa la soo sheegayaa inuu ka dillaacay dalka South Sudan, iyadoo Hay’adda Caafimaadka Adduunka WHO ay bilowday baaritaan.

Cudurka aan ilaa hadda la ogaan waxa uu yahay waxaa uu degmada Fangak ee gobolka Jonglei ku dilay ku dhawaad 100 qof.

“Waxaan go’aasannay in si deg deg ah ah aan deegaanka ugu dirno koox qiimeyn iyo baaritaan kusoo sameysa xaaladda, tirada ilaa hadda u dhimatay cudurka waxay gaarayaan 89” ayay tiri Sheila Baya oo ka tirsan WHO

Wasaaradda caafimaadka dalkaas ayaa ku warrantay in cudur aan la aqoon ay tiro dad ah ugu dhinteen deegaanka oo ay dhawaan saameeyeen fatahaado.

Sarkaal qaabilsan arrimaha caafimaadka ayaa ku warramay in dadka la xannuunsan cudurka ay ka baareen cudurka Cholera balse ay ka waayeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Toogasho kale oo ka dhacday magaalo kutaala dalka Mareykanka (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Dowladaha Somalia & Qatar oo heshiis iskaashi ku kala saxiixday Doha (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Sacuudiga oo go’aan cusub ka qaatay gudashada waajibaadka Xajka ee sanadkan

Caydiid Ali
Taboola Ads ---