Duqa Muqdisho oo ka xumaaday sida maanta loola dhaqmay Ciyaartoyda Qaranka (Daawo Sawirada)

Baraha bulshada ayaa maanta si weyn looga hadal hayaa dhacdo dad badan ka caroodeen kadib markii Ciyaartowda Qaranka 17-sano jirada ee maanta dalka kusoo laabtay lagu dhax fasaxay magaalada Dhaxdeeda.

Ciyaartoydan ayaa maanta si diiran waxaa garoonka Aadan Cadde ugu soo dhaweeyay Madaxda sare ee dalka uu ugu horeeyay Ra’isul Wasaaraha xukuumada Soomaaliya , waxaana soo dhaweynta kadib ciyaartoyda lagu dhax fasaxay magaalada.

Baraha bulshada ayaa lagu baahiyay Sawirada ciyaartoyda oo isku cariirinaya Mooto bajaaj ay guryahooda ku tagaan, waxaana dadka Soomaaliyeed ka xumaadeen in ciyaartoydan loo waayay gawaari guryahooda geesa.

Duqa magaalada Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cumar Yariisow oo qoraal kooban soo dhigay barta Facebooka ku leeyahay ayaa sheegay in uu aad uga xumaaday in ciyaartoyda Qaranka magaalada lagu dhax daayo ayna Bajaaj ka dhax raacaan.

Waxa uu sheegay Eng Yariisow in ay falkan baarayaan, waxa uuna tilmaamay in gobolka Ciyaartoyda u diyaariyeen basas iyo shacab soo dhaweeya kuna hubsada Hotelka Saxafi , waxa uuna ka codsaday in dowlada baarto cidii wadada ku fasaxday ciyaartoyda.

”Aad baan uga xumahay in cayaartoydii ay Bajaaj raacaan waana baareynaa sababta. Gobolka waxuu diyaariyey busses iyo shacab soo dhoweeya kuna hubsanay Hotel Saxafi ka dibna ciddii u fasaxday waa in Dowladda Federaalka ay baartaa” Ayuu yiri Yariisow.

Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya iyo Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ayaa lagu eedeeyay in iyagu masuul ka ahaayeen in Ciyaartoyda Qaranka wadad lagu dhax fasaxo loona waayo gaadiid guryahooda geeya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -