Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Kooxda Islamic Jihad oo boqolaal gantaal ku weeraray Israel (Daawo Sawirro)

Ilaa 580 oo gantaalo iyo hoobiyeyaal isugu jira ayay kooxaha falastiiniyiinta ku garaaceen Israa’iil tan iyo Jimcihii, iyadoo xiisada labada dhinac ay ka sii dareyso maalinba maalinta ka dambeysa.

Dayuuradaha dagaalka ee Israel ayaa iyana xoojiyey duqeymaha Gaza oo lagu dilay xubin sare oo kale oo ka tirsan garabka milatari ee ururka Islamic Jihad.

Milatariga Israel ayaa sheegay in Khalid Mansuur ahaa ninkii ugu miisaanka cuslaa ururka waxaana lagu dilay xero qaxooti oo ku taal magaalada Rafah.

Ugu yaraan sideed iyo labaatan Falastiiniyiin ah oo ay ku jiraan lix caruur ahi ayaa ilaa haatan la soo wariyey in ay lagu dilay dagaalkan.

Wasaaradda caafimaadka Falastiin ayaa sheegtay in 15 Falastiiniyiin ah lagu dilay marinka Qaza, halkaasoo millatariga Israa’iil ay ku beegsadeen xubno ka tirsan kooxda

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Yair Lapid ayaa sheegay in ciidanku ay sii wadi doonaan duqeymaha ay ku beegsanayaan marinka Gaza inta laga xaqiijinayo iney yaraatay halista amni ee kooxda Islamic Jihad.

Related posts

Guddoomiye cusub oo loo magacaabay Maamulka gobolka Banaadir

Caydiid Ali

Wasiir Mukhtaar Roobow oo Magacaabay Guddiga Xajka

Caydiid Ali

Diyaaradaha Dagaalka Ruushka oo ka baxay Tripoli iyo Khalifa Haftar oo niyad jab lasoo darsay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---