Dalal ay Soomaaliya ku jirto oo loogu deeqay lacag dhan $127 Milyan oo dollar

Maraykanka ayaa sheegay in sare u kaca ku yimi cuntada adduunku, inuu si aad u daran u saameeyey dalalka Afrika ee saxaraha ka hooseeya, iyada oo sare u kaca qiimaha cuntada uu sababay duullaankii uu dalka Ruushku ku qaaday dalka Ukraine.

“Qiimaha cunnada ee dunidu wuxuu 23% ka sarreeyaa qiimihii uu joogay sannad ka hor, laakiin sare u kacaasi wuxuu si xun ugu dhuftay ama looga dareemay dalalka Afrika ee saxaraha ka hooseeya, waxaana qiimaha cuntada lagu iibsado ay sare u kacday illaa 40%” ayay tidhi danjire Linda Thomas-Greenfield oo ah ergeyga dawladda Maraykanka u qaabilsan Qaramada Midoobay oo ku sugan dalka Ghana.

Danjiraha ayaa intii ay joogtay dalka Ghana waxay ku yaboohday in ka badan $127 milyan oo gargaar bini’aadanimo ah oo loogu deeqayo qaaradda Afrika, taasoo diiradda lagu saarayo in lagu taageero arrimaha qaxootiga iyo barakacayaasha.

Thomas-Greenfield inkasta oo ay tahay ergeyga dawladda Maraykanka u jooga Qaramada Midoobay, haddana sidoo kale waa xubin ka tirsan Golaha Wasiirada ee Madaxweyne Joe Biden, waxay safar qaadanaya afar maalmood ay ku joogtaa qaaradda Afrika, iyada oo booqanaysa dalalka Uganda, Ghana, iyo Cabo Verde. Inta ay ku jirto booqashadeeda, waxaa la filayaa inay kulamadeeda diiradda ku saarto saameynta cunnada ee dunida iyo amni darrada ka jirta qaaradda.

Lind Thomas-Greenfield ayaa ku nuuxnuuxsatay in ka hor inta aanu Ruushka, oo ah soo saaraha ugu weyn ee sarreenka, saliidda iyo khudradda dunida, aanu weerarka ku qaadin dalka Ukraine, in isla xilligaasba ay illaa 190 million oo qof ay la daalaa dhacayeen cunto yari soo foodsaartay oo ka dhalatay xanuunkii safmareenka ahaa ee COVID19.

 

 

- Advertisement -