Ololaha doorashada Kenya oo la soo afjaray “Yaa guuleysan doona Ruto iyo Odinga”

Musharixiinta ugu cadcad doorashada madaxweynaha dalka Kenya ayaa soo gebagebeeyey ololaha doorashada dhaceysa 9-ka bishan Ogosto.

Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto iyo Raila Odinga oo ah hoggaamiye mucaarid ah oo ruug-caddaa ah, haddana taageero ka helaya xisbiga talada haya ayaa u halgamaya sidii ay u heli lahaayeen fursad ay ku hoggaamiyaan Kenya.

Doorashooyinkii hore ayaa waxaa hareeyay rabshado, waxaana ay wali mugdiga sii gelinayaan Kenya, halkaasoo 22.1 milyan oo codbixiyeyaal ah ay hadda dooran doonaan madaxweynaha soo socda iyo sidoo kale Senetarada, gudoomiyeyaasha gobollada, xildhibaannada, wakiillada haweenka iyo ilaa 1,500 oo mas’uuliyiin ka tirsan maamul goboleedyada.

Hardanka musharraxiinta ayaa la isku adeegsaday sumcad xumeyn, weerarro afka ah, eedeymo la xiriira wax isdaba marin, iyo abaal-marinno la siinayey taageerayaashooda, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen dallado, raashin iyo lacag si ay uga qeyb galaan isu soo baxyada.

Murashixiinta ugu waaweyn doorashada oo bilihii la soo dhaafay socdaallo kusoo maray dalka oo dhan, ayaa waxay ololahooda ugu dambeeya ku qabteen caasimadda Nairobi, iyadoo Ruto oo 55 jir ah uu ka hadlay garoonka Nyayo National Stadium oo 30,000 taageereyaashiisa ah soo xaadireen, halka Odinga oo 77 jir ah uu la hadlay dad isugu soo baxay Kasarani oo ah garoon qaadi kara 60,000.

Loolanka adag ee doorashada waxaa sii huriyay wararka la isla dhexmarayo ee sheegaya in Kenya ay markii ugu horeysay ka dhici karto doorasho aan cidina ku guuleysan wareegga hore, isla markaana lagu celin doono, iyadoo dad badani ay ka walaacsan yihiin in caqabad kasta oo natiijada doorashada ay horseedi karto rabshado ka dillaaca dalka.

Ruto, oo ah ganacsade taajir ah, ayaa muddo dheer la filayey inuu noqon doono beddelka madaxweyne Uhuru Kenyatta, balse waxa uu ku guuldarreystay taageerada Madaxweynihiisa oo aan mar kale isa soo sharixi karin,

Wixii markaas ka dambeeyay, Ruto waxa uu isu ekeysiiyay inuu yahay “Nin go’aansaday inuu guuleysanayo, isaga oo beegsanaya “qoysaska” Kenya maamula – taasoo tixraac u ah qoysaska Kenyatta iyo Odinga, oo ahaa madaxweynihii ugu horreeyay iyo madaxweyne ku-xigeenka ee Kenya.

Waxa uu ballan qaaday inuu ka abuuri doono dhaqaale “hoose laga soo dhisay” dalka 10-kii qofba saddex ka mid ah ay ku nool yihiin wax ka yar $1.90 maalintii, sida uu sheegay Bangiga Adduunka.

Odinga ayaa dhanka kale la dagaalanka musuq maasuqa ka dhigay udub dhexaad muhiim u ah ololihiisa, waxa uuna farta ku goday musharaxa Ruto usoo xushay madaxweyne ku xigeenka inuu ku furanyahay kiis musuq maasuq ah.

Doorashadan ayaa bog cusub u furaysa taariikhda Kenya, iyadoo aysan jirin musharrax ka tirsan qabiilka ugu badan Kenya ee Kikuyu, kuwaasoo soo saaray saddex ka mid ah afarta madaxweyne ee dalkaas.

VOA/AFP

- Advertisement -