Allbanaadir.com
NEWS

Cabdiwahaab Ugaas Khaliif oo maanta loo dhaariyay xilkii loo magacaabay (Sawirro)

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Mudane Cabdiwahaab Ugaas Khaliif Ugaas Xuseen ayaa maanta oo IsniinĀ  ah si rasmi ah loogu dhaariyay xafiiska.

Wasiirka cusub ayaa waxaa lagu dhaariyay kulan uu yeeshay guddiga joogtada ah ee Baarlamaanka oo uu guddoominayay guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha Shacabka , MudaneĀ  Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muuday.

Dhaarinta kadib Wasiirka cusub ayaa uga mahadceliyey hoggaanka dalka kalsoonida loogu magacaabay xilka Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha BulshadaĀ  isaga oo ballan-qaaday inuu si hagar la’aan ah ugu shaqeyn doono xilka cusub.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya , Maxamed Xuseen Rooble ayaa 4tii bishii April u magacaabay xilka wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada , Mudane Cabdiwahaab Ugaas Khaliif oo horey usoo noqday Ra’iisul wasaare ku-xigeen iyo Wasiirka ganacsiga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Isbadal lagu sameenayo magaca loogu yeero madaxda ugu sareysa maamul goboleedyada

Cabdi Cade

DEG DEG: Beesha caalamka oo War ka soo saartay dagaalka ka sii socda degmada Guriceel

Caydiid Ali

Warshadii qaraxyada Daacishta Soomaaliya oo xalay la gubay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---