(Akhriso) Kenya oo fulisay qodob ka mid ah heshiiskii ay dhowaan la gaartay Somalia

Kenya ayaa shaaca ka qaaday in dadka haysta baasaboorka diblumaasiga Soomaaliya ay fiisooyinka ka qaadan karaan garoonka diyaaradaha magaalada Nairobi.

Qoraalka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ayaa lagu sheegay in tillaabadan qayb ka ahayd heshiiskii bishii July ay kala saxiixdeen dawladaha Soomaaliya iyo Kenya.

Wargelin ka soo baxday Wasaaradda Arrimaha Dibedda ayaa loogu sheegay diyaaradaha rakaabka in qof kasta oo haysta diblumaasiga Soomaaliya gaar ahaan diblumaasiyiinta, Senatorada iyo musuuliyiinta kale ay fiisaha ka qaadan doonaan garoonka diyaaradaha Nairobi.

Madaxda labada dal ayaa dhowaan kala saxiixday heshiis la xiriira xoojinta iskaashiga amniga, dhaqaalaha, ganacsiga, fududeynta dal ku-galka, dhaqdhaqaaqa badeecadaha, kor u qaadidda xiriirka diblomaasiyadeed iyo siyaasadeed ee labada dal.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA

- Advertisement -