Dowladda Mareykanka oo ku dhawaaqday xaalad Caafimaad oo deg deg ah

Mareykanka ayaa Khamiistii ku dhawaaqay xaalad caafimaad-guud oo deg deg ah, kaddib marki ay soo bateen kiisaska la xiriira cudurka Furuqa-Daanyeerka ee Monkeypox.

Tallaabadan ayaa hey’adaha caafimaadka Dowladda Federaalka u fududeyn doonta in ay dowladda ka helaan kaalmo dhaqaale oo deg deg ah oo lagula dagaalo cudurkaan.

Kiisaska dadka laga helay xanuunka Monkeypox ayaa Arbacadii gaaray 6,600. Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay in dadka ugu badan ee laga helay ay yihiin ragga gogosha wadaaga.

Dowladda Mareykanka ayaa lagu cambaareeyay qaabka ay u maareyneyso xanuunkan sii faafaya.

Feyraska Monkeybox waa caabuq naadir ah kaas oo dadka badankiis ay ka soo kabtaan dhowr toddobaad gudahood, sida ay sheegtay waaxda qaran ee arrimaha caafimaadka UK ee NHS.

Feyraskan wuxuu la mid yahay feyraska ka dhasha busbuska inkastoo uu xooggaa daran yahay, khubaradana waxay sheegeen in halistiisu ay tahay mid sahlan.

Waxaa cudurkan inta badan lagu arkay meelo fog-fog oo ka mid ah bartamaha iyo galbeedka Afrika, oo u dhow kaymaha ku yaalla halkaas.

 

- Advertisement -