Maxay tahay qeyla-dhaanta ka soo yeertay Wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya.?

Howl-wadeen ka tirsan wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa saxaafadda u soo dusiyay cabasho ka dhan ah Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya Mudane Cabdisaciid Muuse Cali oo sida uu sheegay lagu eedeeyay inuu ku xadgudbay nidaamka awood qeybsiga 4.5.

Howl-wadeenkani, waxa uu intaasi ku daray in Cabdi Saciid doonayo inuu isku si wax ugu qeybiyo jufadiisa & dhammaan beelaha kale ee Soomaaliyeed, isaga oo ku tilmaamay in xilka uu hayo wasiirkaasi ay ceeb & ihaano ku tahay sumcada & sharafta dowladnimada Soomaaliya.

“Wasaaraddani, horay waa ay u soo mareen wasiirro qabyaaladu ay caqiido u tahay & kuwa si cadaalad ah dalka ugu shaqeeya. Wasiiradda Puntland mar kasta oo xilka wasaaraddan loo magacaabo waa wax laga filan karo in ay sed-bursi beeleed sameeyaan, balse Cabdi Siciid sedbursigii ayuu 10 jibaaray” Ayuu yiri howlwadeenkan ka tirsan wasaaradda arrimaha dibedda oo ka gaabsaday in magaciis la xuso, wuxuuna intaasi raaciyay in tillaabadaasi ay ka dhiidhiyeen howlwadeenno fara badan, ayna cabasho u gudbiyeen R/wasaare Rooble.

“Siddee ku dhici kartaa inaan goob joog ka noqono wasiir agaasimayaasha wasaaradda ka howlgala ee beeshiisa gaarsiiyay in ay 3 noqdaan.? Aaway nidaamkii lagu heshiiyay ee 4.5.?  Agaasimayaasha ku jifada ah wasiirka ayaa kala haya xilalka; Agaasimaha maamulka & maaliyadda oo dhawaan magacabaay, Agaasimaha xiriirka Yurub & Ameerika & Agaasimaha qunsuliyadaha safaaradaha” Ayuu yiri howl-wadeenkaasi ka tirsan wasaaradda.

“Maadaama lagu jiro waqti kala guur ah Cabdi Saciid wuxuu doonayaa inuu xilalkii Qaranka ku taxo jufadiisa, waxaan soo jeedinayaa in tiro-koob lagu sameeyo, dib na loogu laabto shaqsiyaadka uu magacaabay” Ayuu yiri howlwadeenkaas.

NB: Naga Filo aqriste Imisa Shaqaale oo Arimaha Dibadda oo u magacaabay jufadiisa tan iyo markii uu Xilka qabtay Wasiirka INSHA ALLAH .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -