Allbanaadir.com
NEWS

RW Xamse oo shaaciyey dhismaha gole cusub oo dhowaan lagu dhawaaqayo

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa furay shirwaynaha dacwada Salafiga Soomaaliyeed,isagoo sheegay in culimadu doorwayn ku leeyihiin dawladnimada, siyaasada iyo amniga, iyagoo si gaara uga masuul ah dacwada iyo ilaalinta diinteena suubban.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in Al-shabaab dowladnimadeena caqabad wayn ku yihiin, isla markaana dowladdu kula jirto dagaal xoogan oo dhinacyo badan ah, sidaa awgeed waxaa culimada Soomaaliyeed looga fadhiyaa in ay doorkooda shariifka ka qaataan, isla markaana bulshadeena ka wacyi galiyaan afkaarta qaldan ee dhalinyareedan ay ku qaldaan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dowladdu gacanta ku hayso dhismaha golaha culimada Soomaaliyeed oo wax wayn ka tari doona isku soo dhawaynta kala afkaar duwanaanta culimada Soomaaliyeed.

Mudane Xamsa waxaa dhinaca kale uu sheegay in dowladdu gacanta ku hayso dhamaystirka dastuurka oo ah qabyo wayn oo dowlanimadeena hortaagan, sidaa awgeed in culimadu kaalintooda ka qaatan oo eegaan qodobada dastuurka oo ay waafajiyaan diinteena.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Max’uud oo dalka dib ugu soo laabtay ayaa kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda dalka Norway, Mudane Andreas Kravik oo booqasho ku yimid caasimadda Muqdisho.

Kulanka ayaa looga hadlay xiriirka labada dal, iskaashiga dhinacyada horumarinta, amniga, ladagaalanka argagixisada iyo xasilinta deegaanada laga xoreeyayal shabaab.

Related posts

Maxay ka wada hadleen Aadan Madoobe & Axmed Karaash oo ku kulmay Garowe? (Sawirro)

Caydiid Ali

Guddoomiye Cali Jeyte oo afhayeen cusub u Magacaabay gobolka Hiiraan

Caydiid Ali

DF oo mar kale dalka ku soo celisay Muwaadiniin ku xanibnaa dibeda (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---