Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

(Sawirro) Taliye Xijaar oo shir xasaasi ah la qaatay Saraakiisha qeybaha Booliska

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa guddoomiyey shir ka dhacay Xarunta Ciidanka Booliska.

Waxaa shirkan ka qeyb galay galay dhammaan Hogaamada, qeybta Guud iyo Qaybaha Madaxa Bannaan ee Ciidanka Booliska.

Shirka ayaa looga hadlayey qiimeynta howlgallada amniga lagu sugayo oo beryahan ka socday caasimadda Muqdisho iyo horumarada laga gaaray la dagaalanka, burcada iyo ciyaal weerarada mudooyinkan ku soo badanayey magaalada

Saraakiisha Booliska ayaa la wadaagay Taliyaha Ciidanka warbixinnada hawl-gallada socday ee lagu xaqiijinayey amniga, waxaana lagu soo bandhigay natiijooyinka wax-ku-oolka ah ee laga gaaray howl-gallada.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa ka waramay muhiimada ay leeyihiin howlgalada ka socda caasimada Muqdisho, isagoo taliyeyaasha ciidamada kula dardaarmay iney dardar geliyaan qorsheyaasha lagu xaqiijinayo amaanka.

 

Related posts

Axmed Madoobe oo Ballanqaad u sameeyay askartii naafeesay Al Shabaab

Cabdi Cade

Dowladaha Somalia & Muritania oo iska kaashanaya arrin culus

Caydiid Ali

Maxkamada Gobolka Bay oo xukuntay nin kufsaday gabar yar oo 9 sano jir ah

Caydiid Ali
Taboola Ads ---