Booliska Somalia oo ka digay farsamo xatooyo cusub oo lagu dhaco Madaxda

Taliye ku xigeenka ciidanka Booliska Somalia ayaa ka digtay Farsamo xatooyo cusub ah oo lagu bartilmameesto madaxda dowlada qaarkood.

Qoraal ay soo saartay ayaa sidan ku bilowday

Waxaa maalmihii la soo dhaafay bilaabatay farsamo cusub oo si dadban loogu dhacayo madaxda dowlada iyadoo tuugada farsamadaan ku jira ku soo wacaya iyagoo iska dhigayo madax kale kuna weydiisanaya lacag shaxaad ah.

Waxay badanaa iska kaa dhigayaan qof ay is leeyihiin inuusan xiriir idin ka dhaxeynin sidaa darteed aan ku xaqiijin karin inuu yahay qofka uu sheeganaayo. Farsamoyinka ay isticmalayaan waxaa ka mid ah;

1) Xaaskeyga/waalidkeyga ayaa isbitaal iga jira waxaana lacagta iga harsan xx dollars (badanaa waa wax ka yar $100)

2) Waxaan lacag u aruurineynaa Masjid/Ceel/abaarta dalka ka jirta/agoon iwm Farsamadaan waxay isticmalaan marka ay iskaa dhigayaan ama isticmalayaan magacyada culumada dalka.

3) Waxaan ahay gacan-yaraha, Xogheynta, darawalka. kaabo istaafka madax hebel, heblaayo, farsamadaan waa marka ay doonaayaan inay ku qaraabtaan magacyada madaxda dalka gaar ahaan kuwa ugu sareeya sida Wasiirada, taliyeyaasha iwm.

Waxayna iska kaa dhigayaan qof kuu soo gudbinaya warbixin ku saabsan madaxda ay sheeganayan inay la joogaan. Tusaalo ahaan “Wasiir/Taliye hebel aad buu ku amaanayay habeen hore”iwm, waxayna farsamadaan u isticmalaan agaasime, taliye hoose ay is leeyihiin xiriir toos ah inaysan idinka dhaxeynin.

Hadaba madaxda dowlada iyo dadka magaca ku leh bulshada waxaan uga digeynaa farsamadaan cusub oo lagu dhaco dadka masuuliyiinta ah. Waxaana idinku talineynaa in sideedaba qof aanad aqoon lacag u dirin adigoo iska xaqiijinin. Waxaase xusid mudan in shaxaadka madaxda iyo midda “ciyaalka xaafada” kala buuran yihiin, sidoo kalena haddii ay jirto madax sadaqo aruurinayso in si official ah howlshaas badanaa u galaan.

Sidaa darteed waxaa idinku boorineynaa inaad ka digtoonadaan farsamadaan cusub. Numberka aad ka shakisaan fadlan wargeliya ciidamada Boliiska oo waca hotline-ka 991.

F.G: Wargelintaan waa baraarujin ee ma aha cabsi gelin. Farsamo tuug waxay shaqeeysaa un marka laga war haynin.

Taliye ku xigeenka ciidanka Booliska Somalia
Zakia Xuseen

- Advertisement -