Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wasiirka Gaashaandhiga & taliyaha ciidanka XDS oo gaaray Kambala (Ujeedka)

Wafdi uu horkacayo Wasiirka Magacaaban ee  Wasaaradda Gaashaandhigga Somalia Cabduqaadir Maxamed Nuur “Jaamac”  ayaa gaaray Magaalada Kampala ee Caasimadda Dalka Uganda.

Waxaa wafdiga qeyb ka ah taliyaha Ciidanka XDS Gen. Odawaa Yusuf Raage, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga Xasan  Maxamed Saciid Samatar “Gacaliye” iyo xubno kale ,

Wafdiga ayaa halkaas kaga qeyb galaya shirka Iskaashiga difaaca ee Soomaaliya iyo Uganda oo halkaas ka furmaya.

Shirkan ayaa looga hadli doonaa arimo la Xiriira iskaashiga labada dowladood gaar ahaan arimaha difaaca

“Waxaan ka wadahadli doonnaa dhigeena sidii aan u sii xoojin lahayn wada shaqeynta dhinaca difaaca iyo ballan qaadkeenna wadajirka ah ee lagula dagaallamayo argagixisada gobolka” ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka Gaashaandhigga Somalia Cabdiqaadir Max’ed Nuur (Jaamac) ayaa ka mid ah wasiirada Magacaaban ee dowlada federaalka kuwaasoo aan weli la horgeyn baarlamanka Somalia.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

 

Related posts

Mid ka mid ah dalalka ciidamadu ka joogaan Somalia oo halis ugu jira cudurka Ebola

Caydiid Ali

Taliyaha Xoogga dalka oo kulan xasaasi ah la qaatay Saraakiisha ciidanka Danab

Caydiid Ali

Farmaajo oo kulamo gaar ah la qaatay wakiilo ka socday, Midowga Yurub & QM (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---