Shaneemo Casri ah uu maal galiyay Nin Carab ah oo laga furay Jabuuti (Daawo Sawirada)

Dalka Jabuuti ayaa laga furay shaneemo aad u weyn sidoo kale casri ah, waxaana munaasabada furitaanka Shaneemadan kasoo qeyb galay madax katirsan dowlada Jabuuti iyo marti sharaf kala duwan.

Shaneemadan casriga ah oo dhawaan laga dhisay magaalada Jabuuti waxaa xariga si rasmi ah uga jaray Wasiirka Dhaqanka, Diinta iyo Awqaafta ee dowlada Jabuuti Muumin Xasan Barre.

Agaasimaha machadka fanka Jabuuti, Nabiiha Muumin Waabari ayaa sheegtay in shineemadan casriga ah ee laga dhisay dalka Jabuuti loo qabay baahi weyn, waxa ayna xustay in shaneemadan meesha ka saareyso kuwa horey Jabuuti uga furnaa.

Shaneemadan oo ah mida ugu casrisan sidoo kale ugu weyn dalka Jabuuti ayaa ka kooban 6 hool oo midkiba uu qaadayo 150-170 qof, waxaana Shaneemadan maalgeliyey malqabeen u dhashay dalka Isutagga Imaaraadka Carab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -