Mid kamid ah Gudoomiye kuxigeenada Degmada Dayniile oo goordhaw la dilay

Waxaa goordhaw qarax nuuca miinada dhulka lagu aaso lala eegtay gaari uu la socday Gudoomiye kuxigeenka degmada Dayniile ee dhinaca Siyaasada, waxaana qaraxan ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Sida aan wararka ku helnay qaraxan ayaa ka dhacay laamiga gala Xaafada Daaru Salaam , waxa uuna qaraxa haleelay gaarigii uu watay Gudoomiye kuxigeemka degmada Dayniile oo la tilmaamay in bartilmaameredku ahaa.

Inta la xaqiijiyay qaraxan waxaa ku dhintay Gudoomiye kuxigeenkii Siyaasada ee degmada Dayniile Cabdi Maxamed Maxamuud (Fidacow). waxaa sidoo kale dhaawacyo kala duwan qaraxa uu kasoo gaaray ilaaladii la socvotay gudoomiyaha.

Goobta uu qaraxu ka dhacay waxaa gaaray ciidamo katirsan dowlada Soomaaliya iyo maamulka degmada Dayniile, waxaana socda baaritaano lagu ogaanayo qaraxan iyo khasaaraga rasmiga ah ee ka dhashay.

Dhawaan ayey aheyd markii qarax miino oo ka dhacay agagaarka xarunta degmada Dayniile uu ka bad baaday xoghayaha degmada Dayniile, waxaana qarxaaasi ku dhintay dad badan oo shacab ahaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -