(Daawo Sawirro) Shiikh Aadan Madoobe oo la kulmay wasiiro uu ku jiro Mukhtaar Roobow

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamanka Somalia mudane Sheikh Adan Mohamed Nuur Madobe ayaa caawa hoygiisa ku qaabiley Wasiirada  magacaaban ee dowladda Federaalka ku matala dowlad goboleedka Koonfur galbeed iyo qaar ka mid ah Jubaland.

Wasiirada magacaban ayaa Guddoomiyaha  ugu yimid salaan iyo kala war-qaadasho sida lagu sheegay qoraal kooban oo ka soo baxay xafiiska warfaafinta golaha shacabka.

Sidoo kae, wararka ayaa sheegaya in  Guddoomiye Aadan Madoobe iyo wasiirada cusub ee uu la kulmay ayaa ka wada hadlay sidii baarlaamanku u ansixin lahaa xukuumada cusub.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre ayaa shalay ku dhawaaqay xubnaha golaha wasiirrada ee xukuumadda federaalka ah oo ka kooban 26 wasiir, wasiir ku xigeeno iyo wasiiru dowleyaal.

- Advertisement -