Ciidamada Dowladda oo Muqdisho ku qabtay Burcad si xeeladeesan gaari u dhacday

Ciidamada booliiska Soomaaliya ayaa howlgal ay ka sameeyeen degmada Kaaraan gaar ahaan xaafada Buulo Maaxay kusoo qabtay burcad hubeesan oo dhawwaan Muqdisho ku dhacay gaari nuuca raaxada ah.

Burcadan ayaa la sheegay in ay iska soo dhigeen askar katirsan ciidanka booliiska soona istaageen bar ay ciidamada ku lahaan jireen agagaarka Laamiga Daallo ee ku dhaw Isgooska Baar Ubax, waxa ayna halkaasi gaari raaxo uga qaateen nin dhallinyaro ah.

Taliyaha Booliska degmada Hawlwadaag Najiib Carab ayaa sheegay in ciidamada oo helay xogta burcadan muddo kudaba jireen, ugu dambeyna xalay lagu soo qabtay howlgal gaarigii iyo burcadii dhaca u geesatay.

Taliyaha qeybta Bari Cali Goofjooge ayaa sheegay in magaalada Muqdisho ay ka jiraan shabakado isku xeran oo ka shaqeeya dhaca iyo dhibaateenta shacabka ayna tilaabo adag ka qaadi doonaan ciidamada booliiska .

Waxa uu sheegay taliye Goofjooge in hantida shacabka ee la dhaco lagu keydsado guryo shacab , waxa uuna codsaday in lasoo saaro go’aano tallaabo looga qaadayo goobaha lagu qariyo hantida shacabka laga dhaco.

Burcada hubeesan ee kusoo korortay Muqdisho ayaa markan bilaabay in ay iska dhigaan ciidanka dowladda kaddibna dhac u geestaan dadka shacabka, waxaana hadda soo kordhay in la dhaco gaadiidka nuuca raaxada ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -