Dowlada Somalia oo qorshe cusub la damacsan Mukhtaar Roobow & Walaac laga muujiyey

Sida ay sheegayaan Warar laga helayo ilo wareedyo lagu kalsoon yahay dowladda Soomaaliya ayaa qorsheyneysa in xabsiga ciidanka Nabad sugidda Soomaaliya laga saaro Mukhtaar Roobow Cali Abuu-Mansuur oo mar ahaa hoggaamiyaha labaad ee ugu sarreeya Al-Shabaab.

Dowladda Federaalka ayaa dooneysa in Abuu Mansuur la geliyo xabsi la mid ah kan Xasan Daahir Aweys isla markaana uu noqdo xabsi guri, iyadoo xaaladiisa caafimaad mudooyinkan laga deyrinayey.

Mukhtaar Roobow eheladiisa ayaa ka walaacsan talaabada ay qorsheyneyso dowlada, iyagoo muujinaya cabsi la xiriirta inay beegsadaan Al-shabaab waxayna taas beddelkeed dalbanayaan in la sii daayo ama halkiisa lagu hayo.

Dowlada Somalia ayaa xabsiga dhigtay Mukhtaar Roobow dabayaaqadii sanadkii hore markii uu isu sharraxay xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed, tan iyo xilgaasna ma jirto wax maxkamad ah oo la soo taagay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -