Caqabado soo wajahay Xukuumadda cusub ee Xamsa iyo Guddoomiye kuxigeenka golaha shacabka oo…

Golaha cusub ee wasiiradda uu shalay magacaabay Ra’isul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa durba wajahaya diidmo kaga imaaneysa masuuliyiin katirsan dowladda  iyo xildhibaano katirsan golaha shacabka.

Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee golaha shacabka xildhibaan Sacdiyo Yaasiin ayaa durba kasoo horjeesatay magacaabista golaha wasiiradda, waxa ayna ku amartay  kuna qancisay wasiir kuxigeenkii loo magacaabay beesha ay kasoo jeedo in uu is casilo.

Sida aan wararka ku helnay guddoomiye kuxigeenka golaha shacabka ayaa ka careesan in beesha ay kasoo jeedo ee Carab Saalax oo xukuumadii hore ku laheyd wasiir la duudsiiyay xaqoodii lana siiyay wasiir kuxigeenka wasaaradda qorsheenta oo kaliya.

Xubno aad ugu dhaw dhaw Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’isul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa ku guuldareestay in ay la kulmaan Xildhibaan Sacdiyo Yaasiin oo diiday in ay la hadasho xubnahaasi lasoo diray.

Sidoo kale waxaa jira Guux Baarlamanka dhexdiisa ah inkastoo ilaa iyo hada aaney muuqan Kutlooyin Xoog leh waxaase jira dareen arintan ku saabsan oo ay qabaan qaar kamid Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Xukuumadda cusub uu soo magacaabay Ra’isul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa durba wajaheysa caqabado xooggan oo horseedi kara in ay weyso kalsoonida xildhibaanada golaha shacabka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -