Allbanaadir.com
NEWS

Askar lagu garaacay kulankii BFS oo Isbitaal la dhigay (Sawirro)

Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa si adag u cambaareeyay falka ay qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka BFS u geysteen askar ka tirsan ciidanka boliiska, xilli ay gudanayeen waajibaadkooda shaqo

Askartan ayaa waxaa feer iyo garaacis kula kacay xildhibaano ka tirsan Golaha shacabka oo markii ay is hortaageen Xildhibanada oo isku dayey iney joojiyaan dhaarinta xubnaha guddiga doorashooyinka Qaranka intii uu socday kulankii labada aqal ee maanta ka dhacay Muqdisho.

“Waa arrin aad loola yaabo in xubno sharci-dejiye ah oo metelaya shacabku ay ku kacaan fal noocan ah, oo dhaawacaya sharafta hay’adaha ammaanka iyo ilaalinta sharciga” ayuu yiri taliyaha.

Taliska Boliiska Soomaaliyeed ayaa sheegay iney bogaadin iyo dhiirigelin u dirayaa askarta muujisay dulqaad, bisayl, iyo xirfad ay ku maareeyeen xaaladda, iyagoo ka fogaaday falcelin ka baxsan anshaxa shaqadooda.

“Falkaan xadgudubka ah waxa si rasmi ah loogu gudbin doonaa Guddiga Anshaxa ee Baarlamaanka iyo Xeer Ilaalinta Qaranka si tallaabo sharci ah looga qaado cid kasta oo ku lug lahayd” ayuu yiri taliyaha

Dhinaca kale, Taliyaha Boliiska oo Isbitaalka Madiino ku booqday dhaawacyadaa askartaasi oo lala tacaalayo xaaladda caafimaad, isagoo u rajeynaya bogsiin degdeg ah.

Related posts

(Sawirro) Meydka Xildhibaan Max’uud Seesey oo aas Qaran loo sameeyey

Caydiid Ali

Dowladda Soomaaliya oo ka codsatay Boqortooyada Baxreyn in labo arrin ka taageerto

Cabdi Cade

(Sawirro) Muxuu Gudoomiye Madaale ka doonay furumaha dagaalka Sh/dhexe?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---